Dowladda oo sheegtay in la qabtay rag Al-Shabaab u qaabilsanaa Sameynta qaraxyada

Bulsha:- Howlgal ay kas ameeyeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 18-aad, ayaa la sheegay inay  gacanta ku soo dhigeen Saddex dhalinyaro ah oo Al-Shabaab u qaabilsanaa farsameynta qaraxyada, uruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka iyo xuuraanka xogaha sirdoonka,.

Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa soo badnhigay Saddexda xubnood lagu kala magacaabo  Cabdifataax Maxamed oo Al-Shabaab  u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, Cusmaan Cumar oo qaabilsanaa dhanka sahanka iyo Aadan Macalin Siraaji oo u uruuri jiray  waxaa ay ugu yeeraan ‘Zakawaadka’.

Saraakiisha GorGor waxay Warbaahinta dolwadda  u xaqiijiyeen in xubnahaan lasoo qabtay iyagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha iyo deegaano kale oo u dhow Bariire.


Soo qabashada raga la sheegay inay katirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay Ciidanka Gorgor ka fuliyeen degaano kale oo katirsan Gobolkaas.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment