Ruushka ayaa Shiinaha weydiistay gargaar militari.

Bulsha:- Ruushka ayaa Shiinaha weydiistay gargaar militari iyo mid dhaqaale oo la xiriira duulaanka Ukraine, waxaa sidaas Axaddii ku warramay warbaahinta Mareykanka.

Warkan ayaa soo baxay saacado kadib markii Aqalka Cad uu ka digay in Beijing ay wajihi doonto “cawaaqib” darran haddii ay Moscow ka caawiso inay ka baxsato cunqabataynada la saaray.

Beijing waa ay diiday inay si toos ah uga hadasho warbixinada, waxaana taa beddelkeeda ay Washington ku eedeysay inay faafineyso “been abuur” ku saabsan kaalinta Shiinaha ee dagalaka Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Russia ay qalab militari ka dalbatay Shiinaha oo ah xulufadeeda ugu weyn.

Moscow ayaa sidoo kale Beijing weydiisatay kaalmo dhaqaale oo ku aadan cunaqabataynada la degay ee ay kusoo rogeen inta badan dalalka Reer Galbeedka, sida uu qoray wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo-wareedyo aan la magacaabin.

Saraakiisha waxay diideen inay sharxaan wax rasmiga ah ee Ruushka ay codsadeen iyo haddii Shiinaha ay ka jawaabeen, sida lagu sheegay warbixinada.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa warbaahino dhowr ah ku yiri “marnaba ma maqlin arrintaas” mar wax laga weydiiyey codsiga la tuhmayo.

Islamarkaana, isaga oo aan si toos ah uga jawaabin warbixinada Mareykanka, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian waxa uu maanta weriyayaasha u sheegay in Mareykanka “ay faafinayaan been abuur lagu beegsanayo Shiinaha oo la xiriira arrinta Ukraine ayada laga leeyahay ujeedo xun.”




Beijing waa ay diiday inay si toos ah u cambaareyso duulaanka Moscow ee Ukraine, waxayna marar badan ku eedeysay “isballaarinta bari” ee NATO inay xumeysay xiriirka Ruushka iyo Ukraine.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment