Nin Mareykanka ah oo lagu helay dambi dil ah oo codsaday in la toogto Sebebtu maxay tahay

Bulsha:- Nin lagu helay dambiyo dil ah, oo ay suuragal tahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee xukun dil ah ku wajaha gobolka Nevada ee dalka Mareykanka muddo 15 sano ah kaddib, ayaa codsaday in dilkiisa loo fuliyo qaab toogasho ah halkii irbad laga duri lahaa.

Qareennada u doodaya Zane Michael Floyd, oo u dagaallamaya sidii ay u baajin lahaayeen dilka laga yaabo in lagu fuliyo bisha June, ayaa sheegay in codsiga ninkan uusan ujeeddadiisu ahayd "xeelad dib u dhigid ah".

Warqadaha maxkamadda oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, waxay qareennadu ku sheegeen in qaabka uu codsaday uu "ka xanuun yar yahay" qaabka kale.

Aad ayay dhif uga tahay Mareykanka in dilalka dambiileyaasha loo fuliyo qaab toogasho ah.

Brad Levenson, oo ah qareen heer federaal ah ayaa sheegay in Floyd uu doonayay inuu ka hor tago habka israbadda dawooyinka geerida sababa loogu dhufto dadka la dilayo, kaasoo ah hannaan uu gobolkaas adeegsado.

Hase yeeshee, tallaabo kasta oo hannaankaas wax looga baddalayo wuxuu u baahan yahay in lasoo gudbiyo qaab lagu baddali karo, Mr Levenson ayaana sheegay in rasasta ay tahay "sida ugu fiican ee bani'aadanimo leh".

Dilalka toogashada ah waxaa hadda Mareykanka laga oggol yahay oo kaliya saddex gobol - oo kala ah Mississippi, Oklahoma iyo Utah - habkanina lama adeegsanin tan iyo sanadkii 2010-kii.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay inay raadin doonaan oggolaansho ay dilka Floyd ku fuliyaan bisha soo socota, taasoo suuragal ka dhigeysa in la dilo horaanta bisha June. Wuxuu noqon doonaa dilkii ugu horreeyay ee gobolka Nevada ka dhaca tan iyo sandkii 2006.

Floyd, oo hadda 45 jir ah waxaa lagu helay dambi ku saabsan inuu afar qof toogasho ku dilay afar qof halka qof kalena uu dhaawac halis ah u geystay. Falkaas wuxuu 1999-kii ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Las Vegas.


Waxaa dil lagu xukumay sanadkii xigay kaddib markii uu qirtay dambigiisa.

Laakiin marar badan ayuu Floyd racfaan ka qaatay xukunka lagu riday, qareennadiisuna waxay sheegeen inuu 22-ka bisha June cafis ka dalban doono guddiga cafiska ee gobolka Nevada.

Sanadkii lasoo dhaafay, maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa diidday codsi uu uga doonayay inay kiiskiisa dhageysato.

Codsigiisa ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu socdo olole lagu doonayo in gobolka Nevada looga joojiyo sharciga dilka.

70 qof ayaa hadda dil suge ku ah gobolka Nevada - oo ka mid ah 27-da gobol ee wali laga fuliyo xukunnada dilka ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment