Maamulihii Iskuulka Deyniile oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xaafadda  Bangala lagu dilay maamulihii Iskuulka Deyniile Daahir Xasan Tooxow oo ku magac dheeraa Daahir Digdigle.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa mid gaairiga ku xinaa, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Iyadoo marxuumka maamule uu ka ahaa Iskuul dowli ah.


Si kastaba, Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment