RW Rooble oo saaka taleefoon ku wacay Ugaaska Beesha Sade & James Swan oo..

Bulsha:- Waxaa socdo dadaalo ay ku imaanayaan magaalada Garbahaareey Guddiga Qiimeynta deegaan doorashada labaad ee Jubaland,iyadoo guddiga ay tegeen dhawaan Magaalada Kismaayo,Axmed Madoobena lasoo kulmeen.

Ra’iisulwaasare Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay saaka Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ugaaska Beesha Sade,isaga oo ka dalbaday in Guddiga lagu soo dhaweeyo magaalada ayna ka sameeyaan Qiimeynta doorashada.

Dhowr kulan oo ay yeesheen saraakiisha Amniga iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa looga hadlay imaanshaha wafdiga, weli lagama gaarin kulamadaasi hor-usocod fiican.

Shalay galinkii dambe waxaa kulan wadaqaatay Engineer Rooble iyo Ergeyga Qaramada Midoobeey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Waxay Labada Mas’uul kawada hadleen doorashada 16-ka kursi ee lagu wado in ay ka dhacdo Garbahaareey balse waxaa jirta culeysyo ku hor gudban in la qabto doorashadaasi.

Ilo kale duwan ayaa sheegayo in Danjire Swan uu ka codsaday RW Rooble dhameystirka howlaha doorashada iyo in la dhameeyo xaalada Gedo, Garbahaareeyna ay ka mid tahay goobaha loo asteyay deegaan doorashada labaad.




Jubbaland ayaa diidan in ay Garbahaareey doorasho ka dhacdo iyadoo aysan maamulkooda hoos imaanin Gedo,xilli Villa Soomaaliya ay dooneyso in kuraasta Gedo taalla ay xirato.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment