Musharrax Daahir Geelle oo kulan la qaatay safiirka Imaaraadka

Bulsha:- Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa galabta Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Danjiraha Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Alcuthmaan.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, waxaana Musharax Daahir Geelle uu uga mahadnaqay kaalinta mudnaanta leh ee dolwaddiisu kaga jirto gacan siinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee wajahayo duruufaha adag.

” Waxaan rajeynaa in isbadalka soo socdo gaarsiin doono xiriirka labada dal meesha uu ku habboonyahay ayuu yiri” Musharrax Daahir Geelle.


Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo safiirada Beesha Caalamka, waxaana dhawaan uu la kulmay Safiirka Cusub ee Mareykanka u soo magacaawday Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment