AKHRISO: Puntland oo sheegtay in roobab mahiigaan ah ay kusoo wajahan yihiin deegaanadeeda

Bulsha:- Baahinta Xogta Filashada roobabka Gu’ga ee ka imaanaysa urur goboleedka IGAD Xarunteeda Saadaasha cimillada ee (ICPAC) laguna soo sooray Madasha (GHACOF60) waxa ay tibaaxaysaa in la filankaro roobab dhex-dhexaada iyo kuwo lixaad leh meelo ka mida degaanada Puntland.

Degmooyinka Laasqoray, Badhan, Dhahar, Taleex iyo Garoowe Waxaa la filayaa inay helaan xaddi roobab wanaagsan (Normal and/or above normal)
Sidoo kale Qaybo ka mid ah degmooyinka Bosaaso, Qardho, Ballidhidin, Ufeyn, Carmo iyo Boocame ayaa loo saadalinaya xaddi roobab wanaagsan.

Degaanadda kale ee Puntland ayaa la filayaa inay helaan roobab dhex-dhexaad ah, waxaase weli jiri kara saamaynta abaaraha degaanadaas maadama labaddii sanno ee u danbeeyay roobabku aad u yaraadeen.

Dhul daaqsimeedka Nugaasha, Soolka, dharoor iyo Buuralyda Golis ayaa la rajaynayaa in daaqsinkoodu wanaagsanaado xilli robaadka kadib.
Xilli robaadka ayaa la filayaa inuu bilowdo satimaanka Saddexaad ee bisha April (Ramadanka).

Iyada oo la tixgelinayo saadasha roobabka gu’ga, haddana waa in loo wada diyaar garoobaa Xaalad kasta oo imaan karta si talada iyo Go’aanada ku habboon loo qaato.

Xarunta maareynta, xogaha khayraadka Biyaha & dhulku Waxa ay si joogto ah usoo saari doonta xogta saadasha si asbuucle ah inta lagu gudo jiro xilli roobaadka.

Bulshada waxa aan ku wargelinayaa In saadaashaan ay tahay mid is bedeli karta xilli kasta ayna kala duwanaan karaan xaddiga roobka la qiyaasay iyo xaddiga dhabta ah ee roobabka da’i kara.

#ImcPuntland











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment