Ruushka oo ku dhowaaqay hadal cabsi geliyey dunida oo ku saabsan Nukliyeer

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka digay in haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka, uu noqon doono mid la isku adeegsado hub Nukliyeer ah oo lagu hoobto. 

Hadalkan oo ay werisay wakaaladda wararka RIA ayaa yimid maalin kadib markii Lavrov uu shirka hub dhigista ee Geneva, oo uu uga qeyb galay hab fogaan arag ah, ka sheegay in dalka Ukraine, oo Russia ay ku duushay toddobaadkii tegay, uu raadinayo hub Nukliyeer ah.

Lavrov ma bixin wax caddeymo ah marka laga reebo inuu yiri “Ukraine waxay weli haysataa taknoolajiyaddii Nukliyeerka ee Soviet-ka, waxaana ka go’an inay soo saarto hub nocoaas ah.”

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale sheegay in Russia ay wajihi doonto “halis dhab ah” haddii Ukraine ay hesho hub Nukliyeer ah. 


Ruuska ayaa Ukraine ku qaaday duulaan dhul, cir iyo bad ah Khamiistii tagtay, kaasi oo ahaa duulaankii ugu weynaa ee dal Yurub ah uu ku qaado dal kale oo Yurub ah, tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Tallaabadan ayaa waxaa ka jawaabay dalalka Reer Galbeedka, oo xayiraado dhaqaale oo xooggan saaray Ruushka, sidoo kalena Ukraine siiyey gargaar hub ah iyo mid bani’aadamanimo.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hawadeeda ka mamnuucday dhammaan duulimaadyada Ruushka, kadib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii wuxuu heegan geliyey ciidamadiisa Nukliyeerka, taasi oo cabsi ka abuurtay dunida, sarena u qaaday in xiisadda ay hoggaamin karto dagaal Nukliyeer ah. 

Putin ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib markii quwadaha NATO ay soo saareen “hadallo gardarreysi ah” ayaga oo sidoo kalena Ruushka saaray cunaqabateeno xooggan.

Sida ay sheegayaan daraasado caalami ah, Russia ayaa haysata hubka Nukliyeer ee ugu badan caalamka, waxaana la qiyaasaa inuu yahay 6,255 oo madax, halka Mareykanka uu ka haysto 5,550, waxaana ku xigay China iyo France oo kala haysta 350 iyo 290, sida ay u kala horreeyaan. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment