Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Shariif iyo Larry Andre?

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Larry Andre.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada dalka, dhameystirka iyo dardar-gelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray caqabadaha hortaagan doorashooyinka iyo arrimaha amniga, xili ay Soomaaliya ku daah-day xaalada kala guurka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay Safiirka taageerada dowladda Mareykanka ku bixiso dhismaha nabada iyo geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan muddo kordhin u sameeyen Golaha Wada-tashiga Qaranka waqtiga lagu soo gaba-gabeynayo doorashadaas.




Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn isha ugu haya doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo dhowr jeer ku goodiyay tallaabooyin ka dhan ah madaxda Soomaalida, dhawaana qaaday go’aano daba socda arrintaas oo ka dhan ah qaar kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment