qaxootiga ka barakacey Ukraine oo kor u dhaaftay 1 milyan

Bulsha:-Iyadoo Ruushku uu sii wado duqeymaha ay ku hayaan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, isla markaana ay go’doomiyeen labo dekedood oo istiraatiiji ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay khamiista maanta ah sheegtay in inka badan 1 milyan oo qof ay ka qaxeen Ukraine kadib duullaankii Ruushka.

Tirada guud ee hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay oo ay sii deysay wakaaladda wararka ee Associated Press Arbacadii ayaa timaameysa in inka badan 2% dadka Ukraine lagu khasbay inay dalka ka baxaan wax ka yar toddobaad.

Qaramada Midoobay ayaa barakaca Ukraine ku tilmaantay qaxootigii ugu dhaqsaha badnaa qarniga.

Daadgureyn xowliga ah ayaa ka socota magaalada Kharkiv, halkaas oo dadka deggan ay quus ka taagan yihiin inay ka baxsadaan madaafiicda kusoo dhacaysa iyo duqeymaha buux dhaafiyay saldhigga tareenada ee magaalada.

Habeennimadii xalay, weriyeyaasha AP ee magaalada caasimadda ah ee Kyiv ayaa maqlay ugu yaraan hal qarax. Ilaa hadda ma cadda bartilmaameedyada qaraxyadaas.


Bayaan ka soo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaan looga hadlin weerarada cusub, iyagoo sheegay oo kaliya in ciidamada Ruushka ay "isku soo ururinayaan" ayna "isku dayayaan inay gaaraan duleedka waqooyi" ee magaalada Kyiv.


Khudbad muuqaal ah oo laga duubay, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa wuxuu ugu baaqay dadka reer Ukraine inay sii wadaan iska caabbinta. Wuxuu wacad ku maray in kuwa soo duulay aysan heli doonin "hal daqiiqo oo aamusanaan ah" wuxuuna ku tilmaamay askarta Ruushka inay yihiin "carruur jahawareersan oo lasoo adeegsaday."










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment