Xog militari, Ruushka musiibo ayuu kala kulmay duulaanka Ukraine

Bulsha:- Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeed, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah.

Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada.

Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya inay aad ula yaabeen maamul xumada Ruushka ee ololahan, oo ay ku luumiyeen boqolaal gawaarida dagaalka ah iyo in Ukraaniyiinta ay ka hortageen in ciidamada cirka Kremlin-ka ay maamulaan hawada.

“Haddii aad wax ku dheeli laheyd laba ama saddex asbuuc marka uu dagaalka socdo, waan fahmin lahaa,” waxaa sidaas yiri Scott Boston oo ah taxliiliye sare oo difaac oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Rand Corp.

“Hase yeeshee, haddii aad noqotay qof ku kufay albaabka hore ee guriga laga galo, waxaa ku haysta arrimo kale,” ayuu yiri.

Khuburada Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka iyo kuwa qeybaha gaarka ah ayaa filayey in ciidamada madaxweyne Vladimir Putin ay si deg deg u burburiyaan awoodda Ukraine wax isaga caabin karto, ay waxyeeleyn karaan talisyada 200,000 ee askari ee Ukraine, ayna burburiyaan habka difaaca gantaalada.

Hase yeeshee arrimahaas oo dhan ma dhicin lixdii maalmood ee ugu horreeyey dagaalka. Sidoo kalena, inkasta aan la hayn tirada rasmiga ah, haddana skarti Ruushka ee la dilay, la dhaawacay ama la qabtay, ayaa u muuqata mid aad uga badan intii la filayey.

“Tani waa guuldarro sirdoon oo aad u weyn oo si baaxad leh u yareysatay iska caabinta Ukraine, islamarkaana fulinta militari ayaa aheyd mid aad u xun,” waxaa sidaas yiri Michael Vickers, oo ah kaaliyihii hore ee xoghayaha gaashnaadhigga Mareykanka ee arrimaha sirdoonka, oo ka hadlay Xarunta Istraatiijiyadda yo Daraasaadka Caalamiga ah.


Qiyaas ay sameeyeen khubaro militari oo ka tirsan Xarunta Atlantic Council's Scowcroft Center ayaa tilmaamaysa in Ruushka ay guuldarro la taaban karo kala kulmeen inay deg deg u qabsadaan garoon diyaaradeed ku yaalla banaanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Dagaalkii ka dhashay gacan ku haynta ayaa ka dhigay garoonka mid ay aad u gaartay waxyeelo, taasi oo ka dhigan inaan loo adeegsan karin in lagu qabsado Kyiv.

Waxay sidoo kale sheegeen in khasaaraha Ruushka “ee diyaaradaha iyo helikobtarada laga riday ay aad uga badan tahay sidii la filayey,” sababtuna ay tahay inaysan burburin habka difaaca hawada ee Ukraine.

Boston wuxuu sheegay in Ukraaniyiinta ay weli adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka ee Turkish-ka ay sameeyaaen ee Bayraktar, si ay ugu burburiyaan gawaarida dagaalka Ruushka.

“Haddii drone-ka Turkish-ka ay gawaarida Ruushka haleelaan maalinkii hal ama laba jeer waa caadi, balse haddii la garaaco laba mar ka badan, wax ayaa ka khladan dhanka Ruushka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Ruushka ay u muuqdaan inaysan si wanaagsan isugu xirneyn islamarkaana ay la’yihiin awood ay ku maareeyaan duulaanka.

Si kastaba, dhammaan khubarada ayaa isku raacsan in Ruushka ay soo rogaal celin karin. Horumarkii ciidamada Ruushka waa hakaday, balse taasi waxay u ogolaan kartaa inay xaliyaan dhibaatooyinka ka haystan dhanka sahayda, ayuu yiri Kirby.

Waxaa intaas dheer, waxay filayaan in niyadjabka Putin ee maalmaha hore ee dagaalka ay hoggaamin karto inuu oodda kasoo qaado dhammaan awooddiisa buuxda ee hubka gantaallada iyo cirka kuna sii daayo shacabka Ukraine, ayada oo wadata saameyn burbur.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment