Puntland iyo DP world oo dekeda Bosaso ku wareejiyay shirkad cusub

Bulsha:- Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP-world, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekeda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shano ah gacanta ku haysay dekeda.

Waxaa dekeda maamulkeeda lagu wareejiyay shirkad aan weli magaceeda la sheegin sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

Shirkadda B&O ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay heshiiskii dekeda Bosaso oo ahaa in dhismaha ballaarinta dekeda la bilaabo, inkastoo arrintaas ay saamayn ku yeelatay dilkii madaxii shirkadda B&O, Paul Farmosa oo Bosaso lagu dilay february 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Ganacsatada Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, iyagoo sheegay inay maalgashi ku sameysanayaan dekeda Bosaso.


Laakiin arrintaas Puntland ma aysan aqbalin, waxayna sheegtay in ay weli tixglinayso heshiiska DP World.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment