DEG DEG: Dagaal ka socda Magaalada Beledweyne

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya Magalada beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in  dagaal xoogan uu ka socdo afaafka hore ee Madaxtooyada Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay dagan yahiin Madaxda Ugu horeeyso Maamulka Hirshabeellle.

Dagaalka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu u dhaxeeyo Ciidamada Ammaanka magaalada beledweyne iyo maleeshiyo Beeleed ka careeysan in Shaqsi loo xiro Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).

Maleeshiyaadka Ciidamada Ammaanka kula dagaalamaya magaalada beledweyne ayaa xalay soo galay gudaha Magaalada, iyaga oo Warbaahinta la hadlay, waxaana ay sheegeen in ay dagaal ka xigaan in Kursiga HOP#010 qof loo xiro.

Dagaalka ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay soo sheegayaan dad ku sugan Magaalada Beledweyne.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment