Kooxda Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin Wajeer.

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Xero Ciidamada kenya ku leeyihiin Degaanka Konton oo u dhow Tuulada Qorof Xaraar oo hoostagta Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Sida wararku sheegayaan, dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa fulisay weerarkan, iyadoo warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay soo sheegayaan in askar Kenyan ay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen guluftan oo dhacday saqdii dhexe ee xalay.

Saraakiisha laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan tirada rasmiga ah ee wax uga noqotay dagaalka, waxeyna sheegeen iney wadaan howlgalo lagu daba jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo ku sugan meel aan ka fogeyn magaalada Wajeer


Balse Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sidoo kale shaaciyeen in degaanka Konton ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka howlgalyay degankaas, iyadoo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxdan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment