Madaxweyne Deni oo Agaasimaha PSF dib ugu magacaabay Maxamuud Diyaano

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xil cusub u magacaabay taliyihii ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Jeneraal Maxamuud Diyaano oo mar hore diidmo iyo dagaal kala hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Deni ayaa maalmahaan wadahadal kula jiray Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland.

Sida muuqata xeerka Madaxweyne ee caawa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Diyaano, waxaa labo loo kala qeybiyey ciidanka PSF-ta Puntland, waxaana loo magacaabay Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga Puntland ee (Puntland Security Commando Forces).

Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. 

DHAMMAAD 













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment