Booliska Puntland oo War kasoo saaray Amniga Boosaaso xilli lagu qabanayo doorasho

Bulsha:- Taliyaha booliiska qaybta Gobolka bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac dirir ayaa ka hadlay qorshaha Amniga Guud ee Magaalada Boosaaso halkaas oo lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in laamaha Amniga ay hayaan dad falal Amni darro ka geystay Magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in dhawaan soo bandhigi doonaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Ganacsatada looga baahan yahay inaysan caqabad ku noqon amniga balse ay muujiyaan feejignaan dhanka Amniga ah.

Ugu dambeyn Taliyaha booliiska qaybta Gobolka bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac dirir wuxuu sheegay in dhawaan isbedel weyn oo dhanka Amniga ah laga dareemi doono Magaalada Boosaaso bulshadana waajib ku tahay la Shaqeynta Ciidamada.


Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa lagu qabanayaa doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo Amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment