Maraykanka oo weydiistay dunida Islaamka inay ka hortagaan tacadiyada Taalibaan ee haweenka Afghanistan

Bulsha:- Maraykanka ayaa bilaabay wadahadallo uu la yeelanayo waddamada Islaamka ah, si uu ugu dhiiragaliyo inay hormuud u noqdaan sidii ay cadaadis ugu saari lahaayeen hoggaamiyayaasha Taalibaan inaysan dumarka Afghanistaan ka saariin nolosha caadiga ah, iyaga oo adeegsanaya magaca diinta.

Rina Amiri, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan haweenka Afghanistaan, gabdhaha, iyo xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay inay hoggaaminayso hindise diblamaasiyadeed oo lagu doonayo inay isku mowqif ka noqdaan dhammaan daneeyayaasha caalamiga ah arrinta haweenka Afghanistan.

Ergeyga Maraykanka, oo si toos ah uga hadlaysay siminaar ay soo qabanqaabisay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa sheegtay inay booqatay dalalka Sacuudiga iyo Qatar toddobaadkii hore ,ayna doonayso inay u safarto waddamo kale oo Muslimiintu u badan yihiin, si ay ugala qaybgalaan waxa ay ugu yeertay "dhaqammada dib-u-socodka ah" ee Taalibaan ay dhaqangelinayso, si ay u yareeyso xoriyadda dumarka.

Waxay sheegtay in dadka ugu habboon ee hoggaamin kara kahortagga sheegashada Taalibaan ay yihiin hoggaamiyeyaasha dunida Islaamka.

Taalibaan ayaa haweenka ka mamnuucday inay gaadiidka la wadaagaan ragga ama ay safar dheer u baxaan iyaga oo aanu la socon muxrim, waxayna sidoo kale darawallada tagsiilayaasha ah kuwa wargalisay in aysan qaadin dumarka rakaabka ah ee aan xijaabneyn.




Hoggaamiyayaasha Taalibaan ayaa u safray dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Qatar toddobaadyadii la soo dhaafay, si ay wadahadalo ula yeeshaan wakiildada dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Islaamka. Laakin waxa ay ku guuldaraysteen inay dowladooda u helaan sharciyad diblamaasiyadeed sababo la xiriira walaaca laga qabo xuquuqul insaanka, siyaasada aan loo dhammeyn iyo argagixisonimo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment