Dhacdo xanun badan oo ka dhacdey hospital guud ee Gabiley.

Bulsha:-Hooyo laba matano oo ay sidey ku waydey dhiig qaldan oo lagu shubey. Hooyo jamiila waxay booqatey hospital ka guud ee Gabiley mudo ku beegan 2 todobaad ka hor, waxay u booqatey inay ku umusho xiligaso sidkeedi dhamaday nabarki fooshana dareemaysay.

Waxa hooyo jamiila loo sheegay marki la saarey ultrasound machine in labada ubada caafimad qabaan, sidkoodi dhamadey. Biyahuhuna ku filan yahin.

Waxa lagu wargaliyey Inay dhiig u baahan tahay, dhiiga ku jiraana u yar yahay waxa kale lagu war galiyey in dhiig lagu shubi doono.

 baadhis noca dhiigeda ah ka dib in dhiiga hooyadu yahay B+ yahay bay shaqalahu u sheegen qaraabada hooyo jamiila. Loona baahan yahay dad B+ ah, sida ku qoran warqada bukaanka waxa loo qabto lagu diwaan gasho.

Isla habenkaas waxa lagu shubay Dhiig B+ ah oo kaydka yaalay, 
Marki lagu shubay dhiigi mudo yar ka dib xaaladi way is badashay hooyo jamiila afka ayay ka xunbeysay, jidhkeedi waxa lagu arkey barar sida inay shini cuntey la modo,Xumad, Abaaro 11kii subaxnimo aya hooyo jamiila ubadki so dhashen yago midna mayd yahay midna marku so baxay dhintey.

Dhayalsiga iyo dayacaad(negligences) sidi kuma joogsan hooyo jamiila waxa lagu shubay ilaa 5 qarbad ama 5 unit oo dhiig Ah oo kale oo Ah dhiigi qaldana.

Markii xaalku halka marayey waxa isbadalay xaaladi hooyo jamiila.
dhaman shaybadhadi laga qaadey waxu sheegay in dhaawac kalyaha so gaadhey kuna jirto xaalad loo yaqan acute kidney injury.

Dheecanada shaqada beerku ( liver function test) kor ayay u kaceen dhamana way  isbadaleen. Xinjirawga dhiigedu isbadalay,
Comma gashay waxa la keenay hospital ka wayn ee hargeisa shaybaadho ka dib waxa la ogaadey in dhiig yaraan jirto, dhaman shaybaadhka dhiiguna isbadalay.

Waxa la go’aansadey in la siiyo dhiig, sidii caadada ahayd baadhis ka dib waxa la direy dhiig taaso la eegayay is qaadashada dhiiga iyo nooca dhiiga ( blood grouping and cross matching) .
Jaba waka danbeya, anfariirna looma dhinto, waxa Soo baxay wax xaafda dhabano hays ku noqdey !

In dhiiga la siin jrey aanu ahayn keegi saxda, ahaa, shaw wa waxa sababay dhibkay Soo martey oo ahaa wax la idha (blood transfusion reaction).


Hubin ka dib waxa la ogaadey In dhiigedu yahay O- , Dhakhterka Gabileyna lagu Soo siiyey B+. 
Hooyo jamiila haatan waxa xaaladeda lagula tacaalaya Hargeisa Group hospital.

Alhamdullilah caafimadkeduna wu Soo raynaya maalinba maalinka ka danbeya.

Marka qof dhiig lagu shubayo maxu xaq u leeyahay.
1. In la hubiyo nooca dhiiga iyo inay is qaadanayan (blood grouping and crosshatching)
2. In qofka laga shubayo laga hubiyo cudurada dhiiga ku faafa, 
3. In u hubiyo qofka ku shubaya ma isleeyahay magaca qofka iyo dhiigu si an qof kale dhiig lagu waday anu ugu qaldamin.
4. In dhiiga loo siiyo si qunyar ah.
5. In qofka shaqaalaha ah ee siinaya sugo 10-15minute si u u ogaado xaalada bukaanka.
6. Inan haben la doorbidin in la siiyo si haddi xaalad caafimad timad loo waayin dadki la tacaali laha.

Maxa lagu garanaya inu dhigan Qofkan lagu shubay yeeshay blood transfusion reaction.?

1. Qofku waxu markaba yeelanaya xumad 
2. Qofku wu bar barayaa 
3. Naqaska qabanaya 
4. Garaaca wadna iyo pressure ka dhiiga hoos u dhacaya 
5. Shock inu qofku galo.

Maxa la gudboon haddaba shaqaalaha marka dhiig khaldan qofka la siiyo.
1. Isla markaaba inu ka joojiyo,
2. Inu hubiyo magaca iyo nooca dhiiga dibna ugu diro qaybta blood bank ama kaydka dhiiga 
3. Inu cabiro vital sign ka sida xumada, garaca wadnaha, iyo pressure ka dhiiga.
4. In shaqaalahu ogaysiiyo maamulka iyo familyga waxa dhacay.
5. In qofka laga jabiyo xumada la siiyo paracetamol 500mg every 8 hour
6. In qofka laga daweeyo allergic reaction ka u dhiiga ku yeeshay la siiyo non sedating anti histamines like cetirizine 
7. Qofku haddi u naqasku qabto in oxygen la siiyo lana siiyo  epinephrine 
8. In la eego si taxadirle lola socdo dhiiga guud CBC, in la eego shaqada kalyaha RFT, in la eego shaqada beerka LFT, Hadaba si’aasha meesha taalba ah sharcigu xaqeeda ma siin doona dhibanahan! ?

Sawirka 1aad. Nooca dhiiga hooyada lagu shubay B+
Sawirka 2aad . Nooca dhiiga hooyadu ahay O-
Fiiro Gaara: maqaalkan cid gaara kuma socdo, haayad dawladedna lidi kuma aha, waxan u qorney qormadan in laga waantobo dayaca bukaan caafimad ku bidey.

Xigasho : Mohamed A. Sheikh 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment