Gantaalo lagu weeraray magaalada Erbil ee dalka Ciraaq

Bulsha:-  Tiro gantaallo ah ayaa aroornimadii saaka oo Axad ah lagu garaacay magaalada Erbil ee xarunta gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq, weeraradaas oo aan gaysan khasaare nafeed, sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah, iyadoo aan si rasmi ah loo cayimin goobaha lala beegsaday.

Ciidamada Amaanka Gobolka ayaa goor dambe sheegay in weerarka Erbil loo adeegsaday "12 gantaal oo ballistic ah" oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq. Laakiin maysan bixin faahfaahin dheeri ah oo la xiriirta waddanka gantaalladaasi laga soo ganay

Wakaaladda Wararka Ciraaq ee rasmiga ah ayaa ka soo xigatay Guddoomiyaha Erbil Omid Khoshnaw sheegay in "dhowr gantaal ay ku soo dhaceen magaalada Erbil."

Waxa uu intaa ku daray in aan la garanayn meesha uu bartilmaameedku ahaa, haddii ay tahay qunsuliyadda ama garoonka diyaaradaha ee Erbil, oo ay ku yaallaan saldhig ay ku jiraan ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee dagaalka kula jira dawladda Islaamiga ah, kuwaasoo ku dhow halka ay gantaalladu kusoo dhaceen.




TV-ga maxaliga ah ee "Kurdistan 24" ayaa sawiro uu soo kusoo bandhigay bartiisa bulshada, waxa ay muujinayaan xaruntiisa oo ku dhow Qunsuliyada Mareykanka ee Erbil, oo ay waxyeelo soo gaartay. Sawiradu waxay muujinayaan muraayado jabay iyo qaybo dumay oo saqafka ka mid ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment