Ciidamadda Gorgor oo xubo shabaab lagu tuhmayo ku qabtay Sh.hoose.

Bulsha:-  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay ka sameeyeen qeybo kamid ah deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan, howlgalkan waxaa lagu soo qabtay tobaneeyo qof oo lala xiriiriyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, balse isku shaandheyn dheeraad ah kadib ciidmadan waxa ay hore u sii kaxeysteen laba nin oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ay sheegeen iney ku tuhmayaan falal Shabaabnimo.

Saraakiil ka tirsan ciidamadan Gorgor oo warbaahinta u soo bandhigay sawirrada labada nin iyagoo wajiga ka xiran ayaa sheegay iney heleen cadeymo muujinaya in ragan ay Shabaab yihiin, waxeyna la aadeen xarumo gaar ah oo ay ku leeyihiin Sh.hoose.




Lama soo sheegin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamadda xoogga dalka mudadii ay howlgalkan ka wadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo dhowr jeer oo hore deegaankaas ay ka dhaceen weeraro lagu laayay askar badan oo Soomaali ah.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment