Ciidamada Ukraine oo gacanta ku dhigay Krasno Yartsev, isagoo dhaawac ah (Sawirro)

Bulsha:- Ciidamada Ukraine ayaa qabtay duuliye Ruush ah oo horay uga qayb galay duqeymihii ka dhacay Suuriya. Bashaar al-asad ayaa gudoonsiiyey Bilad iyo hadiyado maadaama isagoo difaacaya xukunkiisa uu  xasuuqay shacabka Suuriya.

Duuliyahan waxaa  lagu magacaabaa Krasno Yartsev ayaa la qabtay kaddib markii la soo riday diyaaraddii uu ku duqeeynaayey Dalkaasi Ukraine.

Dhawaan ayay ciidanka Ukraine dileen Janan sare oo Raashiya u dhashay,  kaasoo horey uga howlgalayey Siiriya.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxayna sheegtay iney burburisay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.




“Waxaana gacanta ku dhignay tiro kamid ah duuliyeyaasha Ruushka. Militeriga Ukraine waxay difaacayaan magaalada dekedda leh ee Mariupol. Waxaan Ruushka ka qabsanay qalab badan. Ciidamada Ruushka waxaa niyad jab ku riday sida awood leh ay isaga caabinayaan ciidamada Ukraine” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment