Askar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Puntland oo shil ku geeriyooday

Bulsha:- Inta la xaqiijiyay Ilaa afar askari ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu shil galay baabuur kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Gaariga shilka galay ayaa marayay halka loo yaqaano dalcada karin-dhiig ee gobolka Nugaal iyaga oo ku sii jeedey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka puntland.

Dhaawacyada Askarta ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaeoowe si loogu daaweeyo, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Gaariga shilka galay uu rogmaday.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku sugan Magaalada Boosaaso,  waxaaslna lagu wadaa in uu berri diyaarad kaga dhoofo oo dib ugu laabto Garoowe, kaddib doorashadii 16-ka kursi.

Dhawaan markii Madaxweynaha Puntland uu tegayay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa qarax lala beegsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada ee gelbinayay, waxaana xilligaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah Askarta ilaalineysay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment