Hirshabelle oo shaacisay dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi

Bulsha:- Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) ayaa shaaciyay dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaasoo hore loo shaaciyay in ay dhacayso 8da iyo 9ka bishan.

Qoraal kooban oo la soo dhigey barta Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa u qornaa sidan;

“Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Jadwal hore uu u shaaciyay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa waxaa maanta oo ah 7da bisha March ku asteysneyd in la qaban doono araajida musharaxiinta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment