Ubax Tahliil oo ka weysay Nabad & Nolol garab Kursigeeda & Xaalka Caawa jira

Bulsha:- Xilli maanta lagu balansanaa in Magaalada Gaalkacyo lagu qabto doorashada 5-kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa waxaa suura gashay qabashada 4 Kursi oo keliya.

Kursiga Shanaad oo ahaa midka sumadiisu tahay HOP#060 ayaa muran ka yimid aawgeed weli la isku hayaa in la qabto.

Warar Warqaad ay heleyso ayaa sheegaya in markii hore Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor uu doonayay in Kursiga loo xiro Ubax Tahliil oo ku fadhisay kursiga sanadihii lasoo dhaafay.

Qorshaha Madaxwayne Qoorqoor waxaa ka hor yimid Odayaasha dhaqanka Beesha leh Kursiga kuwaas oo la sheegay in uu gadaal ka riixayo Liibaan Axmed Xasan oo Kamid ah Guddiga Doorashoyinka Heer Federaal, kaasi oo doonaya in Doorashada Kursi uu noqdo Mid furan.

Madaxweyne qoorqoor ayaa ugu dambeyn Guddiga Doorashada ku amaray in Doorashada si degdeg ah loo qabto isla markaana Kursiga la furo oo aan loo xirin shaqsi gaar ah.

Musharixiin ka badan Shan oo dumar ah ayaa usharaxan Kursigaan, waana kursiga ugu musharixiinta badan dhamaan kuraasta taala Gaalkacyo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Doorashada la qabto xilliyada soo socdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo Ubax Tahliil in ay ka Tanaasusho utartanka kursigaas, waxaase la ogayn halka uu ku dambeynayo xaalka Kursigaan oo uu muranka xoogan ka taagan yahay.


Doorashada kursigaasi ayaa macquul ah in caawa la qabto,iyadoo dedaalo la isku dayey in xal la gaaro buuq dhacay ay kadib guddiga doorashada go’aan ka gaareen in doorashada la galo,oo shan dumar ah ay usharaxan yihiin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment