Yaa kusoo baxay doorashadii xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka dhacday Muqdisho?

Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid doorashadooda.

Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034 kaas oo uu hore ugu fadhiyay Khaalid Macoow.

Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Booliska Goblka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Jeego ayaa isna ka mid noqday saraakiisha kusoo baxay kuraasta Golaha Shacabka, kaddib markii uu ku guuleystay kursiga HOP84.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa ku guuleystay kursiga HOP266 oo ay hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.


Kursiga HOP105 oo waxaa isna kusoo baxay Cabdiraxman Cabdulqaadir Cadde, halka Maxamed Nuur Abuukar uu ku guuleystay kursiga HOP265.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment