Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii SACIID DENI iyo Isimadda Gobolka BARI?

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa maanta la kulmay Isimada gobolka Bari.

Isimada uu la kulmay Deni ayaa kala ah; Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalad guud ee gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada gobolka Bari.

Sidoo kale kulankaan ayaa diirada lagu saaray arrinta PSF ee dhalisay dagaalladii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada labada dhinac.

Kulanka ayaa imanaya kadib markii Isimada dhaqanka ay aqbaleen codsi uga yimid madaxweynaha maamulkaasi, kaasi oo ku aadana inuu la kulmo isimada si loo soo afjaro xiisada ka jirta Boosaaso.

Wada-hadalladaan cusub ayaa ku soo aadayo, iyada oo Deni uu dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta isimada oo ahayd in gacanta maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro shirkadda P&O ee hoostegta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo haatan Boosaaso ku sugan ayaa ujeedka uu u yimid waxaa sidoo kale qayb ka ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee taalla gudaha magaaladaas, oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment