Dagaal ka dhacay Chernobyl oo 60 Mayl u jirta Kiev

Bulsha:- Ciidamada Ukraine ayaa galabta dagaal kula jira ciidamada Ruushka si ay gacanta ugu dhigaan magaalada Chernobyl, oo 60 mayl waqooyi ka xigta caasimadda Kiev, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku uu waxyeello u geysto xarumaha lagu keydiyo qashinka nukliyeerka.

Anton Gerashchenko, oo ah la-taliyaha wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegay wax yar ka hor 3-dii galabnimo ee maanta in ciidamada Ruushka ay soo galeen aagga oo ay si xooggan ula dagaallamayeen cutubyo ka tirsan ilaalada xuduudaha. “Haddii tas-hiilaadka kaydinta la burburiyo, daruuraha shucaaca waxay dabooli karaan Ukraine, Belarus iyo EU.

Dhanka kale Turkiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtiisa uu ku dhacay bam xeebta Odessa, halkaas oo uu sidoo kale dagaal ka socdo.

Turkiga ayaa xubin ka ah NATO, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Ukraine uu si degdeg ah ugu soo jiido dowlado kale oo uu ka dhaliyo colaad dhan walba ah Yurub.

Geesta kale, Kiev ayaa ku amartay dadka rayidka ah inay hoygooda ay gabaad ka dhigtaan iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu qarka u saaran yahay inuu weeraro caasimadda Ukraine, xilli ciidamada Kiev ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta garoon muhiim ah oo u jira 15 mayl.

Ciidamada Yukreeniyaanka ayaa galabta ku dagaalamayey ku dhawaad gobol kasta oo dalkaasi kamid ah, iyagoo Ruushka kula dagaalamayey saldhigyada ciidamada, garoomada diyaaradaha, magaalooyinka iyo dekedaha, kadib markii ay saacada hore hawada isku shareereen gantaalada nooca Cruise-ga ah iyo bambaanooyinka la hagayo ee lala beegsanayo meelaha kaydka hubka iyo raadaarka.


Galabnimadii Khamiista, dagaalladu waxay ka socdeen Kiev, oo ku teedsan xudduudda waqooyi ee Belarus, Luhansk iyo Donetsk ee bari iyo agagaarka Kherson, Webiga Dneiper, iyo magaalooyinka dekedaha ee Odessa iyo Mariupol ee koonfurta.

Ciidamada Ukraine ayaa u muuqday kuwo iska caabin adag ka sameeyay agagaarka magaalada Kharkiv ee bariga, halkaas oo taangiyo badan oo Ruushku leeyahay iyo baabuurta gaashaaman la sheegay in ciidamada Kiev ay burburiyeen – meydadkuna ay daadsan yihiin waddooyinka.

Labo askari oo Ruush ah ayaa sidoo kale waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Kiev ee ku sugan deegaanka.

Laakiin dagaalku wuxuu u muuqday mid si wanaagsan uga socday koonfurta, taangiyada Ruushka ayaa ka soo jabay Crimea oo u dhow Kherson waxayna u dhaqaaqeen dhanka Webiga Dnieper halkaas oo ay ku xidheen diyaarado badan oo helikobter ah waxayna qabsadeen warshado koronto – iyadoo calanka Ruushka la arkayay oo laga taagay warshada Kakhovka Hydroelectric galabtii hore.

Mid ka mid ah saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in boqolaal lagu dilay dagaalladii hore, halka mid kalena uu sheegay in dhimashadu ay marayso 40 Ukraine ah iyo 50 Ruush ah.

Volodymyr Zelensky, oo khudbad u jeedinayay qaranka subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in taariikhda Ukraine ay hadda isbedeshay weligeed iyo in Ruushku ay qaaday waddo shar ah – isaga oo isbarbar dhigaya weerarkii Ruushka iyo ciidamadii Hitler ee dagaalkii labaad ee aduunka.

Laakiin waxa uu wacad ku maray in uu la dagaalami doono, isaga oo sheegay in milatarigu ay horeba ‘khasaare xooggan’ ugu geysteen Ruushka.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta reer Ukraine ee doonaya in ay difaacaan dalkooda hooyo in ay horay u sii socdaan, isaga oo sheegay in qoriga la siin doono qof kasta oo raba. Waxa uu sidoo kale ka codsaday dadka rayidka ah in ay dhiig bixiyaan si ay u caawiyaan ciidamada dhaawaca ah. Wuxuuna ka codsaday hoggaamiyeyaasha adduunka inay ‘cunaqabataynta ugu adag ee suurtogalka ah’ ku soo rogaan Putin.

In ka badan 4,000 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ilaa hadda ka soo qaxay xadka Ukraine oo galay Moldova. Wali ma cadda inay doonayaan inay halkaas sii joogaan ama ay u gudbaan Romania.

Mid ka mid ah sharraxaadda tirada badan ee haweenka iyo carruurta ayaa ah in maamulka Ukraine ay ka hortagayaan bixitaanka ragga da’da milatariga ah, laakiin ma jirto caddayn madaxbannaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment