Booliiska Maraykanka oo xiray nin loo haysto dilka Imaam Maxamed Xasan Aadan

Bulsha:- Waxaa magaaladda Columbus gobolka Ohio elague dalka Mareykanka lagu qabtay, xabsina loo taxaabay nin la sheegay in uu yahay qofkii dilka toogashadda u geystay Imaam Sheekh Dr. Mohamed Hassan Aadam oo Soomaali ah.

Sida ku cad dukumentiyo loo gudbiyay maxkamadda kiiskaan gacanta ku haysa, John W. Wooden Jr. ayaa loo haystaa inuu habeenkii ciidda Kirismaska dilay Imaam Maxamed Xasan Adam.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, waaran baaritaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr.l, Kadib markii booliisku gurigiisa ay ka heleen hubka loo maleynayo inuu yahay midkii lagu togtay marxuumka.

Ninkaan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori. Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay sharciga Hobbs 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xabsi ah. Waxa xabsiga laga sii daayay March 2021.

Booliska Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen inay baaritaan dheeraad ah ku sameeynayaan Ninka loo heysto dilka Imaam Sheekh Maxamed kadibna wixii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.


Imaam Dr. Mohamed Hassan Aadam oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey markii ay taariikhda aheyd December 24, 2021.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment