Xog:- Guul-wadeyntii oo kusoo dhamaatay kama dhoofi kartid garoonka Aadan Cadde

Bulsha:- Siyaasiyiin kamid ah kuwa sida weyn ugu dagaal galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo damaciisa shaqsiyeed ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay bahdil xoogan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo 13 iyo 14 bishaan doonayay inay ka duulaan garoonka Muqdisho, si ay u doontaan kuraas ay hunguriyeynayeen ayaa laga hor istaagay.

Bahdilka iyo is-hortaaga lagu sameeyay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa waxaa ka dambeeyay sida ay sheegen madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Lafta-gareen iyo Qoor Qoor ayaa waxay xulafo siyaasadeed la yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, hase yeeshe midaasi waxba uma tarin raga sanadaha badan u sacabo tumayay Farmaajo.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa arrintan ku macneeyay mid laga baran karo cashir, una noqoneyso duruus ay tahay inay si fiican u dhugtaan raga uu waqtiga kaga dhamaaday difaaca iyo guul-wadeynta madaxda xilka haysa.

Labada Nin ayaa sida muuqata hadda ku baxay in danihii Farmaajo-Fahad iyo damacooda siyaasadeed isku meel-mari waayay, waxaana Farmaajo-Fahad ka go’an inay ka cag wareejiso cidkasta, xataa haddii uu yahay guul-wadaha xulafada.

Kuraasta ay rabeen Cabdiweli Muudey iyo Cali Yare Cali ayaa waxaa lasoo warinaya in si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia

iyo Mahad Salaad.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment