Weriyaal lagu xirey iyagoo warbixino u tegey saldhigga Degmada Kaxda

Bulsha:- Wariyeyaal howlo shaqo u aaday degmada Kaxda si ay uga soo warbixiyaan dhacdadii xalay ka dhacday degmadaas ayaa Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad ay xarig iyo jirdil u geysteen, iyadoo inta indhaha iyo garba-duub loo xiray xabadka dhulka loo dhigay.

Weriyaasha ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Five TV ee Muqdisho Aweys Mohamud Jilacow iyo sawirqaade ka tirsan Five TV , iyadoo jirdil xooggan u geystay Ciidamada Haramcad, xilli maanta uu howl shaqo ay u tageen saldhigga Degmada Kaxda. Ciidamada ayaana illaa iyo hadda haysta Agaasimaha.

Sidoo kale waxaa wehlinayay wariyaal ka socda xarumaha warbaahinta ee Somali Cable iyo Dalsan TV.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment