XASAASI: Guusha Kheyre & xogta ah inuu yahay Madaxweynaha Cusub Soomaaliya

Bulsha:- Doorashada madaxweynaha soomaaliya oo bilo kadib la filayo inay ka dhacdo dalka ayaa hadana murashaxiin ka badan 20 shakhsi ay wada raadinayaan xilkaasi.

Kala xod xod xodashada lagu sameenayo xildhibaanada golaha shacabka ayaa ah mid dhinacyada murashaxiinta ay raadinayaan sidii codkooda uheli lahaayeen.

Xasan Cali Kheyre ayaa siyaasiyiinta ugu dhaw waxay rajo 90% ah ay qabaan in xilka heli doonaan,taas oo ay cabsi ku abuurtay murashaxiinta kale.

Kheyre ayaa waxa lasoo tebinayaa in uu heysto 8 Xildhibaan oo beeshiisa kasoo baxeysa deegaan doorashadooda galmudug waxaana uu helay xildhibaano kale oo dawlad gobolleedyada ah.

Dhabar jebinta murashaxiinta kale ee Kheyre ku sameeyey ayaa lagu micneeyey mid uu jaran jaro kaga dhigtay isagoo iska bari yeelayey inuu weli taageersan yahay Farmaajo.

Murashax Kheyre ayaa Dawlada Qatar bilo ka hor mar uu kula kulmay Doxa waxa laga shakiyey inuu sameeyey istaraatiijiyad la rabo inuu xilka kala wareego Farmaajo.

Xukuumada Doxa ayaa marnaba kala jeclaan doonin Farmaajo iyo Kheyre balse shakhsiga soo baxa ay yihiin kuwa dhaqaale ku taageeri doonaan.


Siyaasiyiin gacan saar la leh Kheyre ayaa muujiyey in ay heystaan kalsooni inay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya afarta sano soo socota islamarkaana ay wax badan dalka hormarkiisa ka badeli doonaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Fahad yaasiin uu taageeradiisa Farmaajo uwareejin doono Kheyre hadii uu dareemo inuu kalsooni udhaw yahay in Baarlamaanka siiyaan.

Hadda waxaa la doortay 126 xildhibaan golaha shacabka baarlamaanka 11aad,taas oo la micno ah in ay hadda golaha diyaar yihiin 45% waxaana Kheyre uu rajo ka qabaa inuu weli sii wado shukaaminta Xildhibaanadaasi.

27 ka mid ah xildhibaanada la doortay Baarlamaanka cusub waa haween,waxaana sanadkaan baarlamaanka 11aad ubadan saraakiisha ciidamada gaar ahaan xafiiska Madaxweyne farmaajo xubnaha taageersan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment