Magaca Gabar Somali ah oo loo bixiyay Tareenka London ee DLR No. 62 .

Bulsha:- Safiya Jaamac oo ah gabar Soomaali ah oo degan magaalada London ayaa shaqo ay qabatay darted waxay ku mutaysatay abaalmarin kala duwan oo ay ka mid tahay in loogu magacdaro mid ka mid ah tareenada ka shaqeeya caasimada Ingiriiska, iyadoo sidoo kale shahaado gaar ah Boqorada UK ay guddoonsiiyey ururkeeda.

Safiya oo ah aasaasaha iyo maamulaha urur ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa la qiimeeyey isla markaana laga abaalmariyey hawl weyn oo dhanka gurmadka ah oo ay sameysay intii lagu jiray aafadii fayraska korona, markaas oo ay isku dabariday ku dhawaad shan boqol oo mutadawiciin ah oo caawinayey dadka waayeelka ah, kuwa xanuunsan iyo dadka aan awoodin inay dukaamada ka soo adeegtaan iyadoo xilligaasi dalku ku jiray xayiradaaha fayraska korona.



Adeegga gaadiidka London ee loo yaqaan TFL qaybtiisa DLR ayaa mid ka mid ah tareenada ay leeyihiin oo lambarkiisu ahaa 62 waxaa lagu beddelay magaca Safiyo Jaamac, iyadoo loo sameeyey taasi si loogu muujiyo Safiya iyo ururkeeda kaalinta wanaagsaneyd ee ay gaysteen.



Boqoradda Ingiriiska ayaa horey abaalmarin u guddoonsiisay Safiya

Safiya oo Laanta Af-Soomaaliga ee BBC wareysi siiyey ayaa sheegtay in abaalmarinta iyo guusha ay arintan leedahay ay tahay mid ay leeyihiin Soomaalida oo dhan, waxaana ay yiri "Soomaalida waxaa laga yaabaa in waxyaabo xun laga aamino, ama laga sheego laakiin inaan waji wanaagsan nalaga arkoo aan dadka tusno waxa aynu nahay waa muhiim".Safiya Jaamac iyo ururkeeda waxaa kale oo shahaado sharaf guddoonsiiyey Boqorad Elizabeth - Boqorada UK ka dib markii ay ogaatay in ururka ay Safiyo madaxda ka tahay qaybeen shaqo aad wanaagsan.

Ururka Women's Inclusive Team oo ah urur ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan dumarka, dhalinyarada iyo caruurta ayaa Safiya Jaamac waxay aasaastay 18 sano ka hor, waxaana uu ka dhisan yahay degamda Tower Hamlets ee Bariga London."Maalin maalmaha ka mid ah gabadheyda weyn ayaa tareenka ku aragtay kana raacday mid ka mid ah xarumaha tareemada waxayna ii soo dirtay sawirka magacayga tareenka ka muuqda iyadoo ii sheegtay in ay saaran tahay tareenkii la iigu magac daray, marka taasi oo kale marka aad aragto in ilmahaagu ku faraxsan yihiin waa wax weyn oo ay ku dayan karaan" ayay tiri Safiya Jaamac, oo sheegtay in arrimaha ay ka shaqeeyaan ay ka mid yihiin in ay dumarka ka caawiyeen heltaanka caafimaad, waxbarasho iyo haddii ay jiraan dhibaatooyin xagga qoyska ka dhex dhaca.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment