Shiinaha oo bilaabay ugaarsiga dalalka xiriirka la sameeyay Taiwan

Bulsha:- Shiinaha ayaa joojiyay iibsashada hilibka lo’da, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo qamriga ee ka soo geli jiray dalka Lithuania, xlli uu sii xumaanayo xiriirka gobolka Baltic-ga ee Taiwan.

Maamulka Guud ee Kastamka Shiinaha, ayaa hakiyay dhoofinta sababo la xiriira “sharci la’aan”, wakaaladda Lithuania ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Lithuania ay u ogolaatay Taiwan inay safaarad ka furato halkaas.

Waaxda adeegga cuntada iyo caafimaadk xoolaha ee Lithuania ayaa sheegtay in “ilaa iyo hadda aysan ka helin wax ogeysiis ah Shiinaha oo sheegaya in wax macluumaad ah ama xog ah ay maqan yihiin”.

Wakaaladdu waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Shiinuhu ay sanadkii 2020-ka sameeyeen baaritaan fog oo ku saabsan dhoofinta hilibka lo’da iyo kalluunka Lithuania.

Waxay intaa ku dartay in aysan jirin wax cabasho ah oo laga qabo, dhoofintana ay si habsami leh u socotay ilaa dhamaadkii sanadkii hore.


Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta iibka u joogsaday. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka gaabsaday codsiyo ay BBC-da ku weydiisay arrinkan.

Somaliland ayaa ka mid ka mid ah labada dal ee Afrika ee xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxda la leh Taiwan. Midkii ugu horreeyay wuxuu ahaa dalka yar ee Eswatini, oo xiriir la yeeshay 1968.

Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu isha ku hayo saaxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan xilli Shiinuhu ku andacoonayo in Taiwan tahay dhul ay leeyihiin, sidoo kalena ka go’doonsan diblumaasiyadda, ay sannadkii 2020 kala samaystay xafiisyo wakiillo ah kuwaas oo kala joogi doona caasimadahooda, taas oo ka cadhaysiisay Beijing iyo Muqdisho.

bbcsomali










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment