Kursigii Xildhibaan Maryan Cariif ku fadhisay 21-sano oo Xildhibaanad cusub loo doortay

Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug lagu qabtay doorashada labo kursi oo kamid noqonaya kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#081 oo mudo 21-sano ah ku fadhisay Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa saakay waxaa ku guuleestay loona doortay Xildhibaanad cusub oo lagu magacaabo Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen ).

Doorashada kursigan waxaa isku diiwaangeliyay in ay ku tartamaan musharax Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen ) iyo Nasro Maxamed Dalabeey oo doorashada inta aysan bilaaban ka tanaasushay tartanka sidaasna cod gacan taag ah ugu soo baxday Cadar Cali.

Xildhibaanadan cusub ee saakay la doortay ayaa katirsaneyd shaqaalaha wasaaradda haweenka Soomaaliya, waxa ayna badaleysa Maryan Cariif oo kamid aheyd xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamaanka kana tanaasushay sanadkan in ay tartanto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment