Madaxweynaha Hirshabeelle oo amar siiyay Saraakiisha ciidanka ee Beledweyne

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga ee maanta oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay qorshe amni oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xaslinta Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment