Kooxda Farmaajo oo diyaarisay qorshe lagu fashilinayo kursiga Xildhibaanimo uu doontay C/Raxmaan C/shakuur

Bulsha:- Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawaan gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug si uu ugu tartamo kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa leedahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la sheegay in taageero badan ka heesto waxgaradka iyo bulshada beeshiisa  ayna raali uga yihiin in uu ku matalo gollaha shacabka afarta sano ee soo socota.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka walaacsan in Cabdiraxmana Cabdishakuur kamid noqdo gollaha shacabka ayaa diyaarisay qorshe culus oo meesha looga saari karo si hoos loogu dhigo damaciisa Madaxweyne.

Sida aan wararka ku helnay Villa Soomaaliya oo adeegsaneysa guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in kuraasta beesha Habar Gidir afartii kursiba mid naag laga dhigo si loo ilaaliyo qoondada dumarka.

Beesha Ceyr oo Baarlamaanka federaalka ku leh afar kursi oo mid kamid yahay Aqalka Sare ayaa laga rabaa kursi qoondo dumar, waxaana beeshaasi hada u haray labada kursi midka Mahad Salaad ku fadhiyo iyo midka uu u tartamayo C C Warsame.

Sida aan xogta ku heleyno labadan kursi midkood ayaana laga yaabaa in qoondo dumar laga dhigo, waxaana loo badinayaa in kursiga uu doonayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur in laga dhigo qoondo dumar si damaciisa meesha looga saaro.

Madaxweynaha Galmudug oo inta badan fuliya amaradda Villa Soomaaliya ayaa la filayaa in uu hirgaliyo rabitaanka Villa Soomaaliya uuna meesha ka saaro kursiga C/Raxmaan C/shakuur ama midka Mahad Salaad si labadaasi kursi aysan u wada qaadan mucaarad.

Mahad Salaad oo aad ugu dhaw Madaxweyne Qoor Qoor ayaa laga yaabaa in uu ka bad baado kursigiisa in laga dhigo qoondo dumar, sidaa darteedna kursiga uu u tartamayo Cabdiraxmana Cabdishakuur loogu wareejiyo qoondada dumarka.


Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale culees kala kulmi doona in labadan kursi ee Ceyr u haray midkood qoondo dumar ka dhigo, waxaa sidoo kale iyana culees ku noqon doonta kuraasta Beeshiisa Saleebaan gaar ahaan labada kursi ee haray midkood ka dhigo qoondo dumar.

 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment