Maxaa sababay dagaalka ciidanka C/llahi Kulane & kuwa CC Shakuur ku dhex-maray Dhuusamareeb?

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku sugan Dhuusamareeb.

Iska hor imaadka oo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa waxaa ka hadashay dowlad goboleedka Galmudug oo digniin culus u dirtay musharixiinta ciidamada la tegay halkaasi.

Taliyaha saldhigga booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, inkastoo uusan shaacin khasaaraha ka dhashay, balse wuxuu tilmaamay in la xiray askarta dirirtay

Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa sidoo kale xusay in dagaalka uu ka billowday tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xalliyey.

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn wuxuu digniin adag u diray musharixiinta ciidamada la tegay caasimada Galmudugm wuxuuna la tilmaamay in aan la aqbali doonin falkasta oo dhaawacya amniga.


Si kastaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u tartamaya kursiga HOP#138, halka  Cabdullaahi Aadan Kulane  loo xiray kursiga HOP#40. labadaan kursi ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonaan 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment