Shan ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo Yemen lagu afduubtay

Bulsha:- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen magaalada Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan, isla markaana ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment