Dowladda Qatar oo shaacisay inay kordhineyso taageerada Soomaaliya

Bulsha:- Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamsa Hashem waxayna kawada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii kor koogu sii qaadi lahaa.

Ugu horayn Danjire Xasan ayaa Wasiirka warbixin kasiiyay iskaashiga labada dal iyo sida saaxiibtinimadda leh ee dawladda Qatar uga qayb qaadanayso dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed haatan ay diyaar u yihiin in intaas ka badan labada dal horumarkooda iska kaashadaan.

Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa ka mahad celiyay taageerada Qatar ee Soomaaliya, iyadoona dhankiisa uu sheegay in muhiimad wayn ay leedahay iskaashi dhanka duulimaadyadda iyo horumarinta Garoomada diyaaradaha ah inuu dhex maro dawladdaha Soomaaliya iyo Qatar.

Ugu dambayn Wasiir Duran Farah ayaa adkeeyay iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana xusid mudan in dowladda Qatar Shantii sano ee la soo dhaafay ay siweyn taageero gaar ah u siineysay Madaxda Villa Somalia.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment