Xaggee ayey marayaan dadaallada wada-hadalka ee Ukraine iyo Ruushka?

Bulsha:- Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.


“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.

Xaaladda Ukraine ayaa weli aad u qasan, waxaana dagaalka uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, kaas oo noqday mid ay si weyn isha ugu heyso dunida oo dhan.

BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment