Wasiirka Gaashaandhigga oo laba arrin kala hadlay Midowga Afrika + Sawirro

Bulsha:- Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomalaiya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa, Danjire Bankole Adeoye kaas oo haatan booqasho ku joogo magaalada caasimada ee Muqdisho.

Wasiir Jaamac oo faah faahin ka bixiyey kulanka ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallo miro-dhal ah uu la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayo Danjire Bankole Adeoye.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulankooda ay diiradda ku saareen laba arrimood, sida ammaanka dalka iyo howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika (ATMIS).

“Waxaan ka wada-hadalnay amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howl-galka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)” ayuu raaciyey Wasiirka, kadib woraal uu soo saaray.

Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa ayaa shalay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo si kala gooni ah u qaabilay wadigan ka socda Ururka Midowga Afrika oo ay qayb ka tahay Somalia.


Si kastaba, wada-hadallada dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatayt daaha doorashooyinka dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment