DAAWO: Gaalkacyo oo cagta saartay wadada hormar, kaddib soo afjarida Shabakadihii Al-Shabaab

Bulsha:- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Xariga ka jaray Dhismaha Laami Cusub oo dheerarkiisu ku dhowyahay 1-KM, oo laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Laamiga oo si casri ah loo dhisay ayaa laga hirgilyay wadada Guurre iyo suuqyaraha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhismihiisa iska kaashaday Mashruuca JPLG, iyo Bulshada udhow agagaarka Laamiga.

Hormar weyn ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, oo mar aheyd astaanta colaada Soomaaliya, iyo magaalo ay haldoorkeeda ay ugaarsato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladaas ku daabushay ciidammo fara-badan iyo sirdoon, kuwaas oo suuragaliyay in gacanta lagu dhigo Shabakaddo kamid ah Al-Shabaab oo 13 sano ka wadday magaalada dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment