Wasiir Jamaal:- Hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso waa mid khilaafsan habraacyada lagu heshiiyay”

Bulsha:- Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay Doorashada.

Wareysi uu BBC siiyay ayuu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Teendho laga dhisay taasoo la doonayo in lagu qabto doorashada golaha Shacabka.

“Amaanka goobta doorashada waxaa ilaalinaya ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Amniga doorashada sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM,”ayuu yiri wasiir Jamaal.

Waxa uu xusay in ciidanka sugaya amniga ay yihiin ciidanka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taageero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaaneyso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah.


Magaalada Boosaaso ayaa dhawaan ay shaaciyeen guddiga doorashada Puntland in lagu qabanayo 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka,iyadoo ay tahay magaalada labaad ee la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada golaha shacabka ee maamulka Puntland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment