Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in la hakiyo qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga

Bulsha:- Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga SEIT ee Banaadiriga ah inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga, isagoo sheegay in uu magacaabayo guddi ka kooban FEIT iyo Xafiiskiisa si loo xaliyo cabashada, ayna baaraan warbixina ku soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta kuraasta beelaha banaadiriga.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu magacaabayo guddi si loo xaliyo khilaafka ka jira kuraasta beelaha banaadiriga uuna faray guddiga SEIT ee banaadiriga inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta.


“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment