Wararkii ugu danbeeyay ee Qarax ka Dhacay Beledweyne

Bulsha:- Ugu yaraan 10 ayaa dhintay 20 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii maanta uu qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qof is-miidaamiyay uu isku qarxiyay goob inta badan xafladaha iyo shirarka lagu qabto.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo lagu macgaaabo Aadan Kaladire iyo guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Kaynaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga xogta la xiriirta qaraxa, waxaa waddooyinka gala goobta uu qaraxu ka dhacay isku-xiray ciidamo fara badan.


Magaalada Beledweyne waxay isku-diyaarinaysaa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kuraasta la filayo in lagu tartamo ku jira kursi uu aad u daneynayo Fahad Yaasin, lataliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment