Daawo Sawirada:- Al shabaab oo galabta soo bandhigay gaadiid ay kuqabsadeen dagaalkii Kaxda

Bulsha:- Habeen hore ayaa Al shabaab waxay weerar ku qaadeen degmada Kaxda Ee Gobolka Banadir waxaana ay saacad kudhawaad heysteen saldhiga degmadaasi iyo xaafadaha udhaw.

Dagaal kooban ayaa dhacay balse Al Shabaab waxay bur buriyeen dhismaha saldhiga waxayna hore uwateen gaadiid booliska degmada kaxda ku shaqeenayeen.

Baraha ay wararka ku faafsadaan ayey Shabaabku soo geliyeen galabta labo cabdi bile oo booliska astaantooda ku buufsaneyd kuwaas oo ay sheegene inay ku qaniimeysteen dagaalkii ka dhacay Kaxda.


Labada baabuur ay shabaab soo bandhigeen waxa ka muuqatay saameynta hubkii la isku adeegsanayey inta dagaalka ka dhex socday Kaxda saldhiga booliska,iyadoo muraayadaha ay daateen.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment