Qarax lagu dilay Wadaad Soomaaliyeed oo caan ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Bulsha:- Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay qarax gaari uu watay loogu xiray mid kamid ah wadadaada Soomaaliyeed, kaa oo la sheegay in uu qaraxa ku dhintay.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska lagu magacaabo Soomaali Star oo kuyaalla magaalada Kismaayo , waxaana qaraxan lagu soo xiray gaari uu watay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda caanka ah.




Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo watay gaariga la qarxiyay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray baarisna ka sameeyay ciidamada booliiska iyo Nabad Sugida Jubbaland.

Wadaadka qaraxa lagu dilay ayaa la sheegay in dhawwaan tagay magaalada Kismaayo , isagoona horey ugu noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, lamana oga cida ka dambeesay qaraxa lagu dilay Sheekh Cabdinaasir.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment