Howlgal ciidamada danab ugu daateen goobo Al Shabaab kusugnaayeen Sh/Dhexe

Bulsha:- Ururka 4-aad guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Goobaale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha waxay sheegeen in u jeedka howlgalkaas ahaa Burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deagaankaas.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka kumaandooska Danab, balse ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment