Dowlada Sweden oo dagaal kula jirta warar ku eedeeyey inay afduubato caruurta Muslimiinta

Bulsha:- Mas’uuliyiinta Sweden ayaa dib isaga riixaya warar ku saabsan in hay’adaha Adeegga Bulshada dalkaas “ay afduubanayaan” caruurta Muslimiinta, ayaga oo cambaareeyey “olole been abuur ah” oo kalsooni darro loogu abuurayo qoysaska Muslimiinta.

Arrintan ayaa ka dhalatay muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ee luuqadda Carabiga daba-yaaqadii 2021, kuwaas oo muujinayey hay’adaha daryeelka caruurta Sweden oo canug oynaya ka qaadaya waalidiintiisa.

Ayada oo aan si dhab ah loo sharxin xaaladda ku hareereysan dhacdadaas, ayaa muuqaallada waxay Sweden ku eedeeyeen inay tahay dal fashiiste ah, oo caruurta Muslimiinta ku wareejiya qoysas Kirishtan ah, halkaasi oo lagu qasbo inay cunaan hilibka doofaarka, khamrigana cabaan.

Kadib markii warbaahinta Bariga Dhexe ay faafiyeen muuqaalladan, saraakiisga dowladda Sweden iyo hay’adaha Adeegga Bulshada ayaa si xooggan u beeniyey.

“Marnaba ma sameyno,” waxaa sidaas AFP u sheegay Wasiirka Socdaalka iyo Is-dhexgalka Swden Anders Ygeman, kaasi oo ku adkeystay in hadafka ugu weyn u yahay in la taageero qoysaska.

Ygeman ayaa sheegay in ololahan ay huriyeen “waalidiin ciishoon oo ku guul-darreystay barbaarinta ubadkooda,” islamakraana u careysan mas’uuliyiinta.

“Waxaa sidoo kale jira xoogag cuqdadeysan oo doonaya inay ciilka waalidiinta kaga faa’iideystaan inay ku faafiyaan is-aaminaad darro iyo kala qeybsanaan,” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta Sweden waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah muuqalladan ay yihiin kuwa hore, oo bixinaya ujeedo khaldan “oo danta laga leeyahay ay tahay kala qeybin.”


Muuqaalladan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah Imaamyada Masaajidda Sweden, iyo bogga Carabiga ee Malaayiinta qof ay ku xiran yihiin ee “Shu’uun Islaamiya” oo daabacay 20 muuqaal.

Dibad-baxyo dhowr ah ayaa sidoo kale ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Sweden, kuwaas oo looga soo horjeeday sida loola dhaqmo caruurta Musliiminta.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka iyo Daryeelka Sweden, oo ay hoos tagto Hay’adda Adeegga Bulshada ayaa ku adkeystay in caruurta oo laga qaado waalidkooda ay tahay xalka ugu dambeeya.

“Waxaa la sameeyaa oo kaliya marka tallaabooyin kale aysan suurta-gal ah, islamarkaana ay jirto halis muuqata oo uu wajahayo canuga ama hormurkiisa la dhaawacayo,” ayey Guddiga u sheegeen AFP.

Sanaddii 2020, guud ahaa 9,034 oo caruur oo laga qaaday waalidkooda ayaa ku jiray gacanta daryeelka dowladda, ayaga oo aysan waalidka raali ka aheyn, sida ku cad tiro-koobka dowladda.

Cilm-baarayaasha ayaa sheegaya in inkasta oo caruurta laga qaado qoysaska muhaajiriinta ay ka badan yihiin kuwa Swedish-ka cad, haddana qoysaska Muhaajiriinta ay u badan yihiin kuwa marka hore diida inay aqbalaan caawimaadda hay’adaha adeegga bulshada.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment