Cirro: Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu abuurayaa xasarad cusub oo doorashada lagu jahwareeriyo

Bulsha:- Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in guddgigooda uu hakiyay natiijada kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale oo horey loogu doortay koonfur galbeed.

“ Kursi doorashadiisa horey loo dhameeyay, waa un nuuc xasarad abuur ah. Waqtigii 25-ka bisha wuu dhow yahay, halkii dardar galinteeda iyo dhameystirkeeda xoogga la saari lahaa, in loosoo nooleeyo cabaqado horey looga gudbay waa xasarad abuur,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu tilmaamay inay gacme shisheeye dagaalkooda soo dhex galiyeen guddiga doorashada. Wuxuu sheegay caqabadihii isaga ka hor yimid ee horseeday inuu meesha ka baxo ay haatan haysataan madaxda guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa dhexdiisa isku khilaafsan kuraasta uu hakiyay guddoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha kasoo horjeeda arrintaan ay sheegeen inuusan jirin wax fadhi oo gudidigu ka yeeshay arrintan











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment